Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo Isboortiga Puntland Marxuum Ahmed Cigaal Cawaale oo Shalay Geeriyooday

Tacsi

Inaa lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Geeridu waa xaq, waxa shalay oo ay taariikhdu tahay December 30, ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa Marxuum Ahmed Cigaal Cawaale, oo ahaa siyaasi ka soo qabtay xilal kala duwan Dowlad Gobolleedka Puntland ahaana markii igu danbeysay wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqadda iyo Isboortiska xiligii Madaxweyne C/rixmaan Faroole. Waxyaalihii sida wayn loogu xasuustana waxaa ka mid ahaa ololihii qabashadda Ciyaaraha Gobollada Soomaaliya ee lagu qabtay Puntland oo ahayd markii igu horeysay ee ay ka dhacaan ciyaaro la mid ah Soomaaliya tan iyo burburkii dagaalka sookeeya 1991.

 

Ilaahay ha ka waraabiyo Janaddii Fardowsa Marxuum Ahmed Cigaal Caawalle , qaraabaddii iyo ehelkii uu ka tagayna samir iyo iimaan ha ka siiyo..Aamiin.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*